Xadaaradii Iyo Ilbaxnimadii Boqortooyadii Adal Qarnigi 15 Qalinkii Ciise Ismaaciil Axmed

Filed under: English News |

Saylac sida aynu taariikhda uga akhrisanay, waxa ay ahaan jirtay Caasimaddii Boqortooyadii Adal (Awdal), waxay ahaan jirtay hooy taariikhda, mid xaddaaradeed ama Ilbaxnimo aad u ballaaran oo gaadhsiisay inay noqoto saldhigii isku xirayey adduunka ha ahaado Bariga iyo Badhtamaha Afrika, Bariga of ilaa Shiinaha, Shaam ilaa Khaliijka Carabta. waxaa Ilbaxnimadaas ku caddaynaysa Masjidka taariikhiga ah ee labada Qibladood leh ee intii ka hadhay (Markii qiblaa loo jeestay Baytal Maqdis iyo markii Masjid Al Haram), Saylac waxa ay taariikhda, diinta, iyo deegaanka iyo maamulkaba mataano ku ahayeen magaladii caanka ahayd ee Adari (Herar) oo aan wax badan ka fogayn taariikhda Saylac.

Saylac waxaa si weyn loo aaminsan yahay in ay ahayd hooyadii magaalooyinka taariikhiga ee saaran Badda Cas iyo Badweynta Hindiyas sida: Berbera, Musawac iyo Bender Qaasim, xitaa waxa ay ka qaddiim sanayd Muqdisho, Marka Malindi iyo Mombasa, waxaa kale oo aan la’ isku khilaaf sanayn in Saylac ahayd halkii saxaabadii Rasuulku (CSW) ay ka soo degeen markii laga soo eryay Maka ee ay ku socdeen Ardul Xabash (Ethiopia). Waxa kale oo ay xuddun u ahayd Halgankii Imaam Axmed Ibraahim Al-Qasaali (Axmed Guray), hoggaamintii toosnayd ee Suldaan Nuur iyo Boqortooyadii Cimriga dheerayd ee Adal (Awdal).

Saylac waxa ay taariikhda, diinta degaanka iyo maamulkaba mataano ku ahaayeen magaladii caanka ahayd ee Adari (Harar) oo aan wax badan ka fogayn taariikhda Saylac. Saylac waa magaaladii uu in badan iyo inbadan ku taamayey Boqorkii Shawa ee Emperor Menilik II, in mar uun uu gaadho Badda Cas. Markay taariikhdu ahayd 1402, Saylac waxaa weeraray Dawladii Xabashida (Ethiopia). Dagaalka waxa lagu dialay Amiir Sacad Diin oo ahaa ninkii ugu sareeyay ciidamada Boqortooyada Adal, wuxuu ahaa geesi aan la luudin karin in gaadmo lagu sameeyo maahee. Taasi ay qaddarka Alle ugu suurta gashay in ay Xabashidu ku samayso halyeygii Sacad Diin.

Sacad Diin wuxuu ku aasan yahay dhulbadeedka la yidhaahdo Sacadadiin, oo ah Jasiirada aad u qurux badan oo aan aad uga fogayn magaaladda Saylac, taasi oo isaga loogu magac daray. Qiimayn dadka reer Saylac ay qiimaynayaan geesikaasi loogu magac daray Jasiiradd, waxa kale oo cayaaraha Saylac ku jira bayd loogu hadal qabsado Jasiiradaas oo ah ”Sacadiina Najeeynaa Alla yaa Rabbow tafarj calaynaa. Awayoo hoo”.

Weerrarkasi Xabashidu ku qaaday Saylac ma waarin. Bil iyo toddoba cisho (37 cisho) ayaa Saylac ay ku jirtay gacanta Xabashida. Qarnigi 15 wuxuu ahaa mid Soomalida iyo Amxaaradu ay dagaalo is daba jooga isku haleeleen.

1503 dii waxa Saylac yimid nin la odhan jirey Barten oo tilmaam fiican ka bixiyey magaalada Saylac, wuxuu soo weriyey in marsada Saylac laga dhoofin jirey Dahab, Bir iyo waxyaabo kale oo loo diri jiray Beershiya, Masar iyo shiinaha 1616 kiiayaa Boortaqiisku ku soo duuleen Saylac. Cadowgu meel kasta oo uu joogo wuxuu ka siman yahay in xasad darteed uu la dagaalamo Ilbaxnimada ummaddah kale ama horumarka ay ku talaaabsadaan, waxaa dhibaysay iftiinka weyn ee ka baxayey Geeska Afrika Taasin waa ta sababtay in dagaallo aan kala go’lahayn in lagu soo qaado magaalada Saylac. Boqortooyada Awdal waxa ka mid ahaa magaaloyinka Aw Bare iyo Camuud (Camuudii hore a qadiimka ahayd) oo labaduba hada ay ka tirsan yihiin Gobolka Awdal.

intii ka horaysay sannadkii 1516 kii Soomalidu nabad geylyo iyo xasiloni ayey haysteen. Hasayeeshee geesiga madow guusha uma oggola reer Yurub. 1416 Joonkii 2aad ee Boortaqiiska wuxuu ergo u soo diray dawladdii Ethiopia, ergada waxa madax u ahaa Berdo. Ujeedoodu waxay ahayd in Ethiopia ay ku dedaasho in ay Dawladdii Soomaaliyeed ee Muslimka ahayd go’doon ka dhigto oo ka sidigto Islaamka, waxa kale oo ayrabtay in Booortaqiisku ay noqdaan xoogga lama dhaafaanka ahaa ee Badda Cas. Waxayna wadjir u bilaabeen in Ciidamo fara badan oo Xabashi ah loo tababaro sidii ay Awdal ugu duuli lahaayeen.

Taariikhada Saylac wax halkan lagu soo koobi karo maahin, balse waxaan jeclaystay in aan wax yar ka soo qaato taariikhdii Saylac laga qoray iyo xadaaradeedii waxaanse isku dayi doonaa inaan in aan idiin soo gudbiyo qaybo kale oo ka mid ah taariikhda Saylac, waxaan qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa Ciyaarihii ama heesihii u gaarka ahaa reer Saylac.

seerseer wanaageey sidaasay odhan jireeneehee

wayway la daayaay Walaalkaabaa ku dhalayee

Wa shalakhadiyeey Shallaybay shiin ka timidee

Soo soco siraadeey siraado kalw la waayee

Waar gabadh daayaay Ragbay gaadiid u tahayee

Waa taayadiiyee Walee waa tii shubaantaye

Cadanbay ka timide Cadmaaweey noo sidaayee

Wabilaahi Tawfiiq

Ciise Ismaaciil Axmed

ashqaraar03@gimail.com

Switzerl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>